Booqasho Dugsiga hoose dhexe ee AL MARAAMI ee Degmada CEELASHA BIYAHA AFGOOYE

SCHOOL PIC 6666#VF     mishaan ku dhufo si aad u heso sawiradda iskuulka 

Dugsiga hoose dhexe ee AL MARAAMI waxaa la aas aasay bishii October ee sanadkii 2021 ka degmada CEELASHA BIYAHA AFGOOYE ee gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan degmada Afgooye, waxaana dugsigan iska kaashaday ururka SIEDO iyo gabar muxsinad ah oo cajiib ah oo lagu magacaabo Samsam, taasoo si deeqsinimo ah ugu deeqday dhulkaasi.

Hadafk SIEDO organization mar walbo waxbarasho tayo leh in ka badan 400 arday, anagoo kobcinayna aqoontooda iyo rabitaankooda. Kaabayaasha Dugsiga:

Dugsigu waxa uu leeyahay koox heegan ah oo ka kooban 18 macalimiin, laba waardiye,

laba nadiifiye iyo hal kormeere

Dugsigu waxuu ka kooban yahay 7 fasal iyo 2 musqul.

Dugsiga Hoose ee AL MARAAMI waxa uu wajahayaa caqabado kala duwan,

  1. Fasalka oo balaadhinta: Tirada ardaydu si joogto ah ayay u kordhaysaa, waxaanu si degdeg ah ugu baahanahay in aanu balaadhino fasaladayada si aanu u qaabilno kuwa dhawaan galaya fasalka 8aad.
  2. Mushaharka Macallimiinta: Nasiib darro, hadda ma awoodno inaan bixinno macalimiinteenna heeganka ah caqabado dhaqaale awgeed.
  3. Qalabka Waxbarashada: Waxaa naga maqan agab waxbarasho oo muhiim ah sida kuraas, buugaagta, iyo miisaska. Soo jeedinta-Waxbarashada
  4. Tasiilaadka iyo Shaqaalaha: Kharashaadka shaqada ee dugsiga, oo ay ku jiraan biyaha, korontada, adeegyada nadaafadda, iyo shaqaalaha amniga, ayaa sii adkaanaya in la daboolo.

 

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn
Scroll to Top